Dowladda oo raadinaysa 85 qof oo bukaan xiriir la sameeyay

Wasiirka wasaaradda caafimaadka ee dalka Mr. Mutahi Kagwe ayaa shaaca ka qaaday in lagu raad joogo 85 qof oo la rumeysan yahay inay xiriir la sameeyeen bukaan.
Haweeneyda baaritaano kaddib laga helay cudurka COVID19 ayaa ku sugneyd isbitaalka Mbagathi ee magaaladatani Nairobi .
Tani ayaa ku soo aadaysa iyadoo ilaa iyo hadda kiisaska la xiriira caabuqa Coronavirus ee laga xaqiijiyay gudaha wadanka ay gaareen toddobo.
Dhanka kale waxaa socdo dadaalo looga hor tagayo in cudurka la isku gudbiyo.
Dhammaan ismaamullada gobolka waqooyi bari ee Garissa, Wajeer iyo Mandera ayaa laga mamnuucay in la geeyo sido kalena lagu dhex iibiyo qaadka.
Waxaa ugu dambeeyay oo amarkan soo saaray barasaabka Garissa , Cali Bunow Qorane.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here