Dowladda oo saadaalisay in kiisaska Covid19 ay sii kordhi karaan

Wasaaradda caafimaadka ee dalka ayaa shaaca ka qaadday inay suurtagal tahay in kiisaska la xiriira cudurka Coronavirus ay dhammaadka bisha afaraad ee sannadkan gaaraan ilaa 10 kun.
Arrintan waxaa sheegay agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka ee dalka Dr. Patrick Amoth.
Waxaa uu xusay in horraanta bisha soo socoto kiisaska ay gaari karaan 500, bartamaha April ay noqon karaan 1000 halka dhammaadka bisha ay sare u sii kici karaan.
Dr .Amoth ayaa hoosta ka xarriiqay in Dowladda ay dadaalkeeda sii laba jibaarayso hasa ahaate xaaladda jirta iyo sida ay isku beddeli karto aan la fududaysan Karin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here