Dowladda oo sameynaysa daraasaad ku saabsan saameeynta coronavirus

Waaxda qaran ee qaabilsan keydinta macluumaadka ee KNBS ayaa sheegtay inay sameyn doonto daraasaad lagu eegaya saameynta dhaqaale iyo mida bulsho ee ka dhalatay caabuqa coronavirus.
Waxaa iyadoo taleefoon la adeegsanaya su’aalo la weydiin doonaa 34,510 qof.
KNBS ayaa hoosta ka xarriiqday in dadkan laga soo xulanaya 47-da ismaamul ee dalka.
Agaasimaha guud ee waaxda KNBS ,Zachary Mwangi ayaa carrabka ku dhuftay inay si gaar ah u eegi doonaan baahida loo qabo waxyaabaha nolosha qoys kasta aasaasiga u ah.
Sido kale dadweynaha daraasaadkan ka qeyb qaadanaya ayaa ka jawaabaya su’aalo ku saabsan helidda cunnada iyo wacyigelinta loo sameeyay ee dhanka cudurka covid-19.
Waxaa uu dadweynaha ka codsaday in cidii lala soo xiriiro ay bixiso macluumaad sax ah.
Qiyaastii 136,000 qof oo ku nool magaalooyinka waaweyn ayay shaqo la’aan ku dhacday halka kuwa kalena mushaarkooda la dhimay.
Maalinkii Jimcada ayuu madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta sheegay in muddo 6 bilood gudaheed ah ay shaqo la’aan noqon karaan ilaa 500,000 oo qof.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here