Dowladda oo sameynaysa xarumo dhalinyarada lagula talinayo

Dowladda dhexe ayaa la filayaa inay xarumaha kala duwan ee loogu talagalay horumarinta dhalinyarada ka sameyso qeybo gaar ah oo qaabilsan talasiinta.
Xoghayaha arrimaha dhalinyarada ee dalka Dr. Francis Owino ayaa sheegay in da’yarta laga wacyigelin doono falalka ay ka midka yihiin inay naftooda ka takhalusaan.
Waxaa uu mas’uulkan intaasi ku daray in maamulka talada haya ee Jubilee uu walaac ka muujinayo inay sare u sii kacday tirada dhalinyarada ee is-dila.
Xoghayaha ayaa arrinkan shaaca ka qaaday xilli uu ku sugnaa degmada Mwatate ee ismaamulka Taita Taveta halkaasi oo uu ka furay xarun dhismaheedu lagu qarash geliyay 5 milyan oo shilin.
Xarunta horumarinta dhalinyarada ee Mwatate ayaa ka mid ah 21 goobood oo lagu sii wanaajiyo heybadda da’yarta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here