Dowladda oo shaacisay in berri ay maalin fasax tahay

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Dr. Fred Matiang’i ayaa ku dhawaaqay in berri oo ku beegan 10-ka bisha Oktoobar ay tahay maalin fasax qaran ah.
Maalinkan ayaa loogu magacday Huduma Day oo loola jeedo maalinka adeegga.
Waxaa uu xusay in wadanka loo duceyn doono isagoo dhanka kale shacabka ugu baaqay inay sii xoojiyaan midnimada ka dhexeysa.
Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta ayaa lagu wadaa inuu Sabtida shacabka ku hoggaamiyo duco qaran oo wadanka loo sameynaya si uu Alle uga dulqaado culeysyada jira.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here