Dowladda oo shacabka Isiolo iyo Marsabit kala wareegtay hub sharci darro ah

Isku duwaha ammaanka ee gobolka bariga dalka, Isaiah Nakoru ayaa sheegay in qaar ka mid ah dadweynaha ku nool ismaamullada Isiolo iyo Marsabit ay dowladda ku soo wareejiyeen hub sharci darro ah oo ay haysteen.
Waxaa gacanta dowladda ilaa iyo hadda soo galay 318 oo qoryo ah iyo 1,011 miraha rasaasta ah.
Mr.Nakoru ayaa shacabka ku ammaanay inay si dhow ula shaqeeyeen laamaha ammaanka tan iyo markii la billaabay howlgallada ka dhanka ah hubka sharci darrada ah.
Waxaa uu uga mahadceliyay inay ka faaiidaysteen muddo kama dambeys ahayd oo ay dowladda u qabatay taasoo ah in qofkii ku soo wareejiyo hubka cafis loo fidinayo.
Mas’uulkan ayaa ku nuuxnuuxsaday in dowladda dhexe iyo maamullada kala duwan ee hoos tago ay ka go’antahay in gacanta lagu dhigo nooc kasta oo hubka sharci darrada ka mid ah si looga badbaado dhibaatooyinka lagu fuliyo oo ay ka mid yihiin falal dambiyeedyada iyo dhaca xoolaha.
Waxaa uu Mr. Nakoru cid kasta oo weli hub sharci darro ah haysato ugu baaqay inay fursadda jirta ka faaiidaysata.
Sido kale waxaa uu carrabka ku adkeeyay in dowladda aynan dooneyn inay hadda awood adeegsato balse cidii amarkeeda iska dhaga tirto ay tallaabo sharciyeed ka qaadayso

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here