Dowladda oo sheegtay in 285 qof ay daadad ku dhinteen

atahaadaha ku dhuftay qeybaha kala duwan ee dalka

Dowladda dhexe ayaa shaaca ka qaaday in laga soo billaabo bishii afaraad ee sannadkan ilaa iyo hadda tirada dadka ee ku nafwaayay fatahaadaha ku dhuftay qeybaha kala duwan ee dalka ay tahay 285.
Sido kale daadadka iyo dhul go’a ayaa saameeyay ilaa 810,655 qof.
Wasiirka wasaaradda dowlad wadaajinta Mr. Eugene Wamalwa ayaa hoosta ka xarriiqay in dowladda ay ka go’antahay oo ayna ku dadaalayso caawinta qoysaska ay daadadka saameeyeen.
Wasiirka deegaanka Mr. Keriako Tobiko ayaa dhankiiisa dadka deggan hareeraha webiyada iyo goobaha biyo mareenada ah ugu baaqay inay u wareegaan meelaha uu joogoodu sarreeya si aynan dhibaatooyin u soo gaarin.
Mr. Wamalwa ayaa sheegay in toddobaadka soo socdo la soo saari doono warbixin faahfaahsan oo ku saabsan saameynta fatahaadaha ay ku yeesheen deegaannada kala duwan ee wadanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here