Dowladda oo sheegtay in 50 kun oo qof laga baaraya cudurka Covid-19

Wasaaradda caafimaadka ee dalka ayaa sheegtay inay qorsheynayso in labo toddobaad gudahood ay baaritaano ku sameyso 50,000 oo qof oo ay ku tilmaantay kuwo halis sare ugu jiro cudurka covid-19.
Baaritaannada oo hadda socdo ayaa la wadayaa ilaa 3-da bisha shanaad ee sannadkan.
Waxaa la filayaa in baaritaanada lagu sameeyay 14,000 qof oo isugu jiro shaqaalaha dekadda Mombasa, saraakiisha caafimaadka iyo wadayaasha baabuurta xamuulka qaada.
Sido kale waxaa cudurka laga baarayaa 10,000 oo qof oo ku nool 5-ta ismaamul ee laga diiwaangeliyay kiisaska ugu badan ee coronavirus.
Wasiirka wasaaradda caafimaadka ee dalka Mr. Mutahi Kagwe ayaa guddiga arrimaha caafimaadka ee baarlamaanka u sheegay in gudaha Nairobi lagu baari doono 5,000, Mombasa 2,000, Mandera, Kilifi iyo Kwale min 1,000 qof.
Dadka ku sugan ismaamulladan ee la baaraya waxay isugu jiraan shaqaalaha dukaamada waaweyn ee subamaakeetyada , gaadiidka dadweynaha , ganacsatada badeecooyinka ku iibiya suuqyada iyo cid kasta oo si maalinla ah dad badan ula macaamisha.
Mr. Kagwe, wasiirk caafimaadka ee dalka ayaa dhanka kale sheegay inay qarashaadka ku baxaya awgeed aynan suurtagal ahayn in la baaro dhammaan shacabka.
Waxaa uu baarlamaanka u sheegay in lacag dhan 7,500 oo shilin ay ku baxayso in halkii qof laga baaro cudurka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here