Dowladda oo sheegtay in aan la kordhinayn da’da howlgabnimada

Guddiga adeegga dadweynaha ayaa shaaca ka qaaday in laga billaabo bisha koowaad ee sannadka 2021-ka aan la kordhin doonin da’da howlgabnimada ee ah 60 sano.
Guddoomiyaha PSC Stephen Kirogo ayaa sheegay in ay heleen codsiyo uga yimid shaqaale gaaray da’dan oo doonaya in muddo kordhin loo sameeyo.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in sida dastuurka ku xusan qofka marka uu gaaro 60 sano laga doonayo inuu ka fariisto shaqada dowladda.
Mr.Kirogo ayaa waaxyaha iyo wasaaradaha kala duwan ee dowladda ugu baaqay inay isku diyaariyaan sidii loo buuxin lahaa xilalka ay hayaan saraakiisha ku dhow da’da howlgabka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here