Dowladda oo sheegtay in aanan la xirin darawalada gawaarida oo qabin maaskarada afka iyo sanka lagu xirto

Afhayeenka dowladda dhexe ee dalka Mr. Cyrus Oguna ayaa booliska ugu baaqay in aynan xirin darawalada gawaarida ee la qabta iyaaga oo aan qabin maaskarada afka iyo sanka lagu xirto ee looga gaashaanto cudurka coronavirus balse ay taa badalkeed ku booriyan in ay xirtan.
Mr Cyrus Oguna ayaa dhanka kale darawalada gawaarida ugu baaqay in ay mar waliba xirtan maaskarada sii loo yareeyo faafida cudurka.
Afhayeenka dowladda ayaa sheegay in ay surtagal tahay in daraawalka uu maskarada ku dhex hilmaamo gaarigiisa isla markana ay tahay in la xasuusiyo in uu xirto balse aanan la xirin.
Hadalka afhayenka dowladda ayaa yimid kadib markii ay darawalada gawaarida sida gaarka ah loo leyahay ay ka cabasha ka muujiyen qaabka ay booliska ula tacaalan marka ay qabtaan iyaaga oo aan maaskaro afka ugu xirneen.
Booliska ayuu dhanka kale ugu baaqay in ay xoojiyaan amarrada dowladda ay soo saarto taas oo ay oga gol leedahy xakameynta cudurka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here