Dowladda oo sheegtay in dhammaan Kenyaan ku xayirnaa Lubnaan la soo celiyay

Qunsuliyadda Kenya ay ku leedahay magaalada Beirut ee dalka Lubnaan ayaa sheegtay in dhammaan muwaadiniintii halkaas ku xayirmay wadanka dib loogu soo celiyay.
Waxay intaa ku dartay koox haween oo ka kooban 18 qof in Kenya lagu soo celiyay kaddib markii ay u suurtagashay inay helaan dokumeentiyada safarrada iyo shahaadooyin muujinaya inaysan qabin cudurka Covid-19 .
Haweenkan ayaa hayay shaqooyinka guriyaha balse waxaa saameyn ku yeeshay cudurka COVID19 kaddibna dalka Lubnaan oo hadda laga soo daadgureeyay ayay ku xayirmeen.
Qaasim Jabir, ku xigeenka qunsulka guud ayaa sheegay in iyagoo kaashanaya safaaradda Kenya ee dalka Kuwait ay fududeyeen dib u soo noqoshada dadkan.
Waxaa uu xusay inay dadka qaar ka bixiyeen qarashaadka halka kuwo kalena ay taageero ka heleen dad muxsiniin ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here