Dowladda oo sheegtay in dib u eegis lagu sameynayo ardayda gaarka ah ee imtixaanadka u fariisanaya

Xoghayaha wasaaradda waxbarashada ee dalka Dr. Belio Kipsang ayaa shaaca ka qaaday in dowladda dhexe ay dib u eegis ku sameeyn doonto hannaanka ardayda gaarka ah ee loo yaqaano Private Candidates loogu oggolaaday inay u fariistaan imtixaanaadka qaran ee shahaaddiga ah.
Ardaydan ayaa kuwo khaas ama gaar ah loogu magacdaray maadaama aynan horay fursad u helin inay waxbarashadooda dugsiyada sare ay dhameystiraan oo ayna u fariistaan imtixaanaadka sannadlaha ah.
Xeerarka golaha imtixaanada qaran ee KNEC ayaa waxaa ka mid ah in si qofku loogu oggolaado inuu sameeyo KCSE-da isagoo arday gaar ah isku tilmaamaya laga doonayo inuu keeno caddeyn ah inuu soo sameeyay imtixaanka fasalka sideedaad ee dugsiyada hoose dhexe ee KCPE-da, shahaadana uu haysto.
Waxaa shuruudaha ka mid ah in ugu yaraan saddex sano ay ka soo wareegatay xilligii uu KCPE-da sameeyay ka hor sannadkan uu u fariisanaya KCSE-da.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in diiradda la saari doono in la adkeeyo maareynta imtixaanaadka ay ardaydan sameynayaan .
Dr. Kipsang ayaa arrintan ka hadlay xilli uu ku sugnaa deegaanka Dagoreti ee magaaladatani Nairobi.
Xoghayaha ayaa ku nuuxnuuxsaday in golaha imtixaanaadka qaran ee KNEC uu ka baarandegayo sidii ardaydan aynan fursad ugu heli lahayn inay wax isdabamarino sameyaan.
Waxaa uu tusaale u soo qaatay in qaar ka mid ah ardayda ay ku dhaqaaqeen waxyaabo liddi ku ah xeerarka imtixaanaadka sida in qof kale uu arday u sameeyo iyo in taleefoonada gacanta lala galo xarumaha su’aalaha maadooyinka kala duwan looga jawaabayo.
Hadalka Dr .Kipsang ayaa ku soo aadaya kaddib markii booliska ay sheegeen in xabsiga loo taxaabay 26 qof oo lagu eedeyay inay xatooyo ku saabsan imtixaanaadka sameyeen.
Booliska ayaa dhanka kale soo helay 35 ka mid ah taleefoonada gacanta xilli ay baaritaano ka fuliyeen dugsiga hoose dhexe ee St. Teresa Boys ee magaaladatani Nairobi halkaasi oo 154 oo arday gaar ah ay ku sameynayaan imtixaanka fasalka afaraad ee dugsiyada sare ee KCSE oo ka socdo guud ahaan wadanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here