Dowladda oo sheegtay in fasaxa dugsiyada ee bisha sideedaad uu noqon doono mid kooban

Wasiirka wasaaradda waxbarashada ee dalka Prof. George Magoha ayaa shaaca ka qaaday in dowladda dhexe ay qorsheynayso in la yareeyo mudada nasashada maalmaha ah ee ay ardayda qaadan doonaan inta lagu guda jiro xilli dugsiyeedka labaad ee sannadkan iyo fasaxa bisha sideedaad.
Go’aankan ayaa looga gol leeyahay in ardayda ay fursad u helaan inay qaataan cashararda dhaafa inta ay dugsiyada xiran yihiin.
Prof. Magoha ayaa hoosta ka xarriiqay in si tani ay u suurtagasho afar maalmood laga dhimaya nasashada ardayda sido kalena fasaxa bisha sideedaad lagu soo koobaya laba toddobaad.
Waxaa uu qorshuhu yahay in xarumaha waxbarashada ee dalka dib loo furo 4-ta bisha lixaad ee sannadkan.
Wasaaradda tacliinta ee dalka ayaa dhanka kale qorsheynaysa inay kordhiso saacadaha ay ardayda dugsiyada ku sugnaanayaan maalinkii si casharro dheeraad ah loo siiyo.
15-kii bishii saddexaad ee sannadkan ayaa albaabada la isugu dhuftay dugsiyada dalka kaddib markii caabuqa coronavirus laga xaqiijiyay gudaha wadanka.
Xarumaha waxbarashada ayaa la xiray saddex toddobaad ka hor xilligii la qorsheeyay.
Maalmo ka hor ayay wasaaradda waxbarashada muddo hal bilk u kordhiyay taariikhda dugsiyada dib loo furaya oo ku beegnayd 4-tii bishan.
Wasiirka wasaaradda tacliinta , Prof. George Magoha ayaa xusay in la lumiyay 7 isbuuc oo ka mid ah sannad dugsiyeedkan.
Magoha ayaa weli ku adkeysanaya in dowladda aynan dib u dhigin xilliga la sameynaya imtixaanaadka qaran ee shaaddiga ee KCPE-da iyo KCSE-da.
Wasiirka ayaa sheegay inay si dhow ula socdaan xaaladaha isa soo taraya ee cudurka Covid-19 iyadoo dhanka kale wada tashi lala sameynaya waaxyaha kale ee dowladda.
Prof. Magoha ayaa intaa ku daray in ardayda guriyaha ku sugan ay helayaan casharro qaab online ah looga soo gudbinaya warbaahinta dowladda ee KBC, EDU TV channel, YouTube, Kenya Educational Cloud iyo qaar ka mid ah idaacadaha gobollada dalka.
460 ka mid ah xarumaha waxbarashada ee dalka ayaa dhanka kale loo isticmaalaya goobo karantiil oo ku meel gaar ah.
331 ka mid ah tiradan ayaa ah dugsiyada sare halka inta kalena ay yihiin jaamacado iyo machadyo.
Wasiirka waxbarashada ee dalka ayaa sheegay ka hor inta aan dugsiyada dib loo furin in xarumaha karantiil ahaan loo isticmaalaya la buufin doono.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here