Dowladda oo sheegtay in Kenyaanka si cadaalad ah loo shaqaleysiinayo

Iyadoo dhalinyaro badan oo kenyaan ah ay cabasho ka muujinayaan shaqa la’aan haysata ayay dowladda sheegtay in shaqaaleysiinta dadweynaha si cadaalad ay ku dheehan tahay loo sameyn doono.
Guddoomiyaha guddiga adeegga dadweynaha ee PSC ,Stephen Kirogo ayaa hoosta ka xarriiqay inuunan jiri doonin qof lagu takooro qowmiyadda uu ka soo jeedo sidaasi awgeedna shaqa ku waaya.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in dowladdu ay sido kale tixgelin doonto qowmiyadaha iyo kooxaha laga tirada badan yahay ama baahiyaha gaarka ah qabo marka la eego fursadaha shaqo.
Mr. Kirogo ayaa intaasi ku daray in xubnaha guddigan ay u hoggaansamayaan shuruucda dastuuriga ah ee qeexeysa inaan qofku lagu takoori Karin jinsiyaddiisa , inuu naafo yahay ama uu ka soo jeedo bulsho tiro ahaan laga badan yahay.
Waxaa uu guddoomiyuhu sido kale sheegay inay jiraan in ka badan 3,200 oo ah fursado shaqo oo ay dowladdu xayaysiiyay.
Fursadahan ayaa ka bannaan wasaaradaha kala duwan ee dowladda iyo waaxyaha hoos tago.
Mr. Kirogo ayaa arrimhan ka hadlay xilli uu magaaladatani Nairobi kula kulmay xubno ka tirsan qowmiyadaha tirada yar ee Ogiek, Sengwer, Yaaku iyo El-Molo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here