DHAGEYSO:Dowladda oo sheegtay in la hakiyay hawlgalkii laga waday badweynta Hindiya ee Likoni

Waxaa la hakiyay hawlgalkii laga waday badweynta Hindiya kaasi oo lagu soo saari laha baabuurkii ay saarnaayeen hawenayda iyo gabadheeda.
Hawlgalkan ayaa waday markabka MV Harambe kaasi oo ku sugan Likoni.
Khuburada ku xeeldheer dabaasha oo shalay arkay baabuurkii ay saarnaayeen xilkii uu badda ku dhacayay ee Mariam Kighenda iyo gabadheeda Amanda Mutheu ayaa sheegay in mugdiga meesha ka jiro aysan hawlgalka u wadi Karin.
Maalinta bari ah ayaa dib loo bilaabi doona hawlgalka lagu soo saarayo meeyadadka iyo gaarika sida ay dowladda sheegtay.
Hooyada iyo gabadheeda ayaa 12 maalmood ka hor ku dhacay badda Indian Ocean xilli uu ka gudbayay marinka Likoni ee ismaamulka Mombasa.
Afhayeenka dowladda dhexe Mr. Cyrus Oguna ayaa sheegay in howshu aynan fududeyn oo ay saacado dheeraad ah qaadan doonto balse ay rajeynayaan in baabuurkaasi ugu dambeyn la soo saaro meydadkana la soo helo.
Mr Uguna oo caawa warbaahinta la hadlay ayaa ka warbixiyay hawlgalka istaagay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here