Dowladda oo sheegtay in la qabtay ugu yaraan 400 oo qof oo amar diido sameeyay

Xoghayaha wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Dr. Karanja Kibicho ayaa sheegay in Axadii la soo dhaafay gacanta lagu dhigay dad ay tiradoodu gaaraysa 402 kuwaasoo aan u hoggaansamin bandowga habeenkii wadanka ka jiro.
Dr. Kibicho ayaa xusay in shakhsiyaadkan aynan ku baraarugsaneyn in amarrada ay dowladda soo saaray looga gol leeyahay in lagu badbaadiyo naftooda iyo qoysaskooda.
Waxaa uu ku nuuxnuuxsaday in marka aad iska dhaga tirto amarka ah in laga billaabo 7-da fiidnimo ilaa 5-ta aroornimo aadan bannaanka ku sugnaan hadii aadan ka mid ahayn dadka fidiya adeegyada muhiimka ah ay la mid tahay inaad dowladda u dirayso fariin ah inaynan naftaada badbaadin.
Xoghayaha ayaa dhanka kale xusay in hadii cudurka Covid-19 uu ku sii faafo gudaha dalka ay suurtagal tahay in mar labaad la kordhiyay mudada bandowga habeenkii oo uu dhawaan madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ku daray 21 cisho.
Dr.Kibicho ayaa shacabka ku booriyay inay raacaan amarrada dowladda iyo talooyinka caafimaad ee lagu xakameynayo faafitaanka cudurka dalka iyo dunidaba saameeyay.
Wasaaradda caafimaadka ayaa horay u shaacisay in qofkii jabiya amarka la xiriira bandowga habeenkii la gelinaya karantiil soconaya 14 cisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here