Dowladda oo sheegtay in la qiimeynayo saameynta roobabka

Afhayeenka madaxtooyada dalka ee State House Mrs. Kanze Dena Mararo oo maanta shir jaraaid qabatay ayaa sheegtay in dowladda ay tacsi u direyso dhammaan qoysaska ay eheladooda ku dhinteen dhul go’a saameeyay galbeedka Pokot iyo qeybaha kale ee wadanka oo ay fatahaado ka dhaceen.
Waxay hoosta ka xarriiqday in khuburo kala duwan loo xilsaaray inay qiimeyn dhameystiran ku sameeyaan dhibaatooyinka ka dhashay roobabka culus ee da’ay.
Mrs .Dena ayaa sido kale sheegtay in maamulka talada haya ee Jubilee isagoo kaashanaya deeq bixiyaasha caalamka iyo hay’adaha gargaarka uu gurmad u fidinayo dadka ay waxyeelladu soo gaartay.

Waxay tani ku soo aadaysa iyadoo waaxda saadaasha hawada ee dalka ay sheegtay in la rajeynayo in roobabka da’aya ay sii jiraan ilaa dhammaadka bishan 12-aad ee Diseembar.
Waaxdan ayaa dadweynaha ugu baaqday inay taxaddar muujiyaan gaar ahaa qoysaska ku nool deegaannada u nugul dhul go’a.
Sido kale shacabka ku nool hareeraha webiyada ama biyo xireenada ayaa lagula taliyay inay u guuraan meelaha uu jooggoodu sarreeya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here