Dowladda oo sheegtay in la xalliyay muran dhanka duulimaadyada oo kala dhexeyay Tanzania

Wasiirka wasaaradda gaadiidka iyo kaabayaasha waddooyinka ee dalka Mr. James Macharia ayaa sheegay in la soo afjaray Isfahan waa’ la xiriiray duulimaadyada oo soo kala dhex galay dowladda Kenya iyo Tanzania.
Mr. Macharia ayaa xusay in Tanzania ay ogolaatay in dalkeeda ay tagaan diyaaradaha shirkadda Kenya Airways.
Muranka ayaa yimid kaddib markii Kenya aynan Tanzania ku darin liiska wadamada rakaabka ka soo duulay ay imaan karaan wadanka.
Tallaabadaas ayay dowladda Tanzania ka carootay waxayna sababtay in la joojiyo duulimaadyada Kenya Airways ee wadankaas in kastoo wada-hadallo kaddib arrinkan xal laga gaaray.
Shalay ayay dib u furmeen duulimaadyada caalamiga ee dalka oo muddooyin hakad ku jiray caabuqa corona awgii.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here