Dowladda oo sheegtay in saddex toddobaad gudahood cudurka Covid-19 laga baari karo 7000 oo qof

Dowladda dhexe ayaa shaaca ka qaadday in labo ilaa saddex toddobaad oo nagu soo aaddan baaritaano la xiriira cudurka coronavirus ee COVID_19 lagu sameeyn karo in ka badan 7000 oo qof.
Tani ayaa timid kaddib markii shirkadda daawooyinka ee Roche diagnostics ay ku deeqday qalabka xanuunkan lagu baaro.
Ku simaha xilka agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka dalka Dr .Patrick Amoth ayaa sheegay in agabkan gaarka ah loo qeybin doono isbitaallada kala duwan ee wadanka.
Dr. Amoth ayaa intaa ku daray in marka baaritaano badan la sameeyo kaddib Dowladda ay qiimeyn ku sameyn doonto inay guul ka gaartay la tacaalidda xanuunka iyo in kale.
Wasiirka wasaaradda caafimaadka ee dalka Mr. Mutahi Kagwe ayaa dhankiisa sheegay in marka baaritaannada la sameeynaya mudnaanta koobaad la siin doono howlwadeenada caafimaadka ee bukaannada daaweynaya.
Shalay ayay ahayd markii wasaaradda caafimaadka ay shaacisay in gudaha wadanka laga xaqiijiyay 191 kiis oo ah kuwa cudurka covid-19 kaddib baaritaano lagu sameeyay 6683 qof.
Waxaa gudaha wadanka xanuunkan ugu dhintay 7 qof halka 24 kalena ay ka bogsadeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here