Dowladda oo sheegtay in si cadaalad ah dhalinyarada loogu shaqaleysiin doono barnaamijka Kazi Mtaani

Afhayeenka dowladda dhexe Mr. Cyrus Oguna ayaa sheegay in shaqaaleysiinta dhalinyarada ee barnaamijka loo yaqaano Kazi Mtaani si cadaalad ah loo sameynayo.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay inay jiraan guddiyo ay ka mid yihiin odayaasha xaafadaha oo arrinkan loo xilsaaray sidaas awgeedna dowladda ay ka digayso faragelin siyaasadeed ama nin jecleys.
Mr. Oguna oo u warramay telefishinka KTN ayaa sido kale xusay in dhalinyaradan ay shaqeynayaan 11 maalmood oo la siinaya 400 oo shilin.
Waxaa uu intaa ku daray in horay qorshuhu uu ahaa in qof kasta oo dhalinyaro ah oo barnaamijkan ka qeyb qaato la siiyo 650 shillin balse culeyska dhaqaale ee uu sababay cudurka COVID19 awgii lacagtii hore la dhimay.
Sido kale waxaa uu carrabaabay in barnaamijkan uu yahay mid looga gol leeyahay in shaqo abuur ku meel gaar ah 6 bilood iyo bar loogu sameeyo ilaa 270,000 oo dhalinyaro ah.
Qorshahan ayaa waxaa ku baxaysa lacag dhan 10 bilyan waxaana uu horay madaxweynaha dalka Mr.Uhuru Kenyatta u digay cid kasta oo isku dayda inay saameyn ku yeelato ama lunsato dhaqaalaha howshan loo qoondeeyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here