Dowladda oo sheegtay inaan magdhow la siin doonin dadka laga raraya keynta Mau

Wasiirka wasaaradda arrimaha deegaanka Dr. Keriako Tobiko ayaa sheegay in qorshaha dowladda dhexe aynan qeyb ka ahayn in lacago magdhow ah la siiyo dadka deggan keynta Mau ee ismaamulka Narok.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in dadkaasi ay si sharci darro ah ku dageen sidaasi awgeed mar dhow halkaasi laga rari doono.
Sido kale waxaa uu xusay in mar dhow la billaabi doono wajiga labaad ee howlgalada lagu badbaadinayo keynta Mau.
Dr. Tobiko ayaa digniin adag u diray siyaasiyiin uu sheegay inay shacabka kicinayaan .
Toddobaadkii hore ayay ahayd markii dowladda ay in ka badan 10,000 oo qof oo ku nool keynta Mau ay u qabatay muddo 60 maalmood ah .
Waxaa laga doonaya inay si iskood ah halkaasi u banneeyaan haddii kale la barakicinayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here