Dowladda oo sheegtay inay dib ula waregayso dhulalka la boobay

Wasiirka wasaaradda deegaanka iyo keymaha ee dalka Mr. Keriako Tobiko ayaa sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan ay dowladda u guda galayso howlgalo dib loogu soo celinayo dhulalka sida sharci darrada ah loola wareegay.
Maamulka talada haya ee Jubilee ayaa sheegay in la burburin doono in ka badan 800 oo guriyo ah oo ku yaalla dhul qeyb ka ahaa keynta Ngong forest.
Mr.Keriako Tobiko ayaa shakhsiyaadka dhulalkan qaatay ugu baaqay inay dowladda ku soo wareejiyaan ama awood loo adeegsan doono.
Waxaa uu xusay in dhawaan la billaabaya howlgallo la mid ah kuwii laga fuliyay keynta Mau ee ismaamulka Narok ee halkaas looga saaray qoysas si aan sharci ahayn ku degay.
Wasiirka deegaanka ayaa inta ku daray in sido kale bilooyin gudahood xeyndaab adag loo sameyn doono keynta Ngong.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here