Dowladda oo sheegtay inay dugsiyada u qaybisay 1.2 milyan oo kombiyuutaro ah

Dowladda dhexe ayaa sheegtay inay kombiyuutaro u soo iibisay oo ayna gaarsiisay 21,637 ka mid ah dugsiyada hoose dhexe ee dowladda.
Tiradan ayaa u dhiganta boqolkiiba 99.6 ee dugsiyada hoose dhexe ee dalka .
Waxaa barnaamijkan ku baxday lacag dhan 30 bilyan oo shilin.
Wasiirka wasaaradda warfaafinta , isgaarsiinta iyo tiknolojiyadda ee dalka Mr. Joe Mucheru ayaa kombiyuutarrada la qaybiyay ku sheegay 1.2 milyan oo xabbo.
Xilli uu ka soo hormuuqaday guddiga aqalka sare ee arrimaha tacliinta ayuu wasiirku sheegay in 331,000 oo macallimiin ah la siiyay tababaro dhanka tiknolojiyadda .
218,253 oo barayaashan ka mid ah waxay qaateen tababar ku saabsan hannaanka manhajka waxbarashada ee (CBC) halka 93,009 la baray sida ay qalabkan u isticmaali karaan si ardayda looga faa’iideeyo.
Mucheru ayaa intaa ku daray in tababar kale bishii 12-aad ee sannadkii hore loo qabtay 121,000 oo ah barayaasha wax ka dhiga dugsiyada dowladda iyo xarumaha waxbarashada ee sida gaarka ah loo leeyahay.
Guddoomiyaha guddiga waxbarashada ee aqalka sare Alice Milgo ayaa su’aal gelisay sababta kombiyuutarrada aan weli loo isticmaalin iyadoo dugsiyada ay xiran yihiin oo la doonayo in ardayda ay casharrada qaab online ah ku qaataan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here