Dowladda oo sheegtay inay sameyn doonto dib u eegis ku saabsan tacliinta

Dowladda dhexe ayaa shaaca ka qaadday in iyadoo kaashanaysa saaxiibadeeda dhanka horumarka ay markii ugu horreysay qaban doonto dib u eegis si wadajir ah loogu sameynayo arrimaha waxbarashada.
Dib u eegistan ayaa loogu magacdaray (JSR) waxaana bisha labaad ee sannadka soo socdo lagu eegaya dhaqangelinta xeerarka tacliinta , qorshayaasha iyo barnaamijyada kala duwan.
Wasaaradda waxbarashada ee dalka ayaa sheegtay in dib loo milicsan doono horumaradii la gaaray iyo waxqabadka muuqdo ee ku aaddan qorshayaal horay loo dejiyay.
Xoghayaha wasaaradda tacliinta ee dalka Dr. BeliO Kipsang ayaa warfidiyeenada u sheegay inay qiimeyn ku sameyn doonaan tayada waxbarashada , sinnaanta iyo sida ardayda ku nool deenaada dalka ay ugu fududahay inay tacliin helaan.
Hay’adaha qorshahan gacan ka geysanaya waxaa ka mid ah (GPE) oo dowladda Kenya ku taageerta dhaqaale dhan 88.4milyan oo doolar si sare loogu soo qaado aqoonta ardayda ee dhanka xisaabta iyadoo la bartilmaameedsanayo ama ay ka faaiidayaan in ka badan 6 milyan oo arday ah.
Sido kale waxaa tababaro arrimahan la xariira loo sameeyay oo ka faaiiday 40,000 macallimiin ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here