Dowladda oo si lacag la’aan ah xarumaheeda dadka uga baaraysa covid-19

Dowladda dhexe ayaa sheegtay in baaritaannada ku aaddan caabuqa coronavirus iyo adeegyada karantiilka ee laga bixiyo xarumaha dowladda ay yihiin kuwo si lacag la’aan ah lagu fulinaya.
Wasiirka wasaaradda caafimaadka ee dalka Mr. Mutahi Kagwe ayaa xusay in tallaabadan looga gol leeyahay in dad badan lagu dhiiri geliyo inay cudurka iska baaraan.
Tani ayaa timid kaddib markii baarlamaanka dalka la horgeeyay mooshin ka dhan ah qorshaha dowladda ee lacagta looga qaadaya dadka karantiilka ku jiro.
Waxaa Xildhibaanada baarlamaanka mooshinkan hor dhigay mudanaha deegaanka Mvita ee Mombasa Cabdulswamad Shariif Nassir.
Saacado kaddib waxay dowladda ka dalbadeen inay bixiso qarashaadka dadka sida khasabka ah lagu karantiilay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here