Dowladda oo siidaysay 7000 oo maxaabiis ah

Dowladda dhexe ayaa xabsiyada ka siidaysay 7000 oo maxaabiis ah kaddib markii la soo wariyay 2 kiis oo cudurka Covid-19 in laga helay xabsi ku yalla caasimadda dalka ee Nairobi
Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo isku duwaha howlaha qaranka Dr. Fred Matiang’i ayaa u sheegay aqalka sare in la siidaayay 7,000 oo maxaabiis ah.
Tallaabadan ayaa looga gol leeyahay in lagu yareeyo ciririiga ka dhex jiro xabsiyada si dadka xiran aynan caabuqa coronavirus isugu gudbin.
Wasaaradda caafimaadka ee dalka ayaa dhanka kale billowday in ay baaritaano ballaaran ka sameyso xabsiyada ku yaalla dalka oo dhan.
Waxaa gudaha dalka ilaa iyo hadda laga xaqiijiyay kiisaska coronavirus oo gaaraya 700 halka 32 qof ay u dhinteen.
Tallaabooyinka ay dowladda dhexe ilaa iyo hadda qaadday ee lagu xakameynaya faafitaanka cudurka ayaa ah inaan muddo 15 cisho ah la soo geli karin sido kalena laga bixi Karin xaafadaha Old Town iyo islii oo ku kala yaalla Mombasa iyo Nairobi .
Waxaa ka sii horreyay amar ku aaddaan inaan loo safrin sido kalena laga soo safarin ismaamullada Nairobi, Mombasa, Kwale, Kilifi iyo Mandera.
Gudaha wadanka waxaa habeenkii ka jiro bandow shaqeeya inta u dhaxaysa 7-da fiidnimo ilaa 5-ta aroornimo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here