Dowladda oo soo saartay 8.5 bilyan oo loogu talagalay waayeelada

Wasaaradda maaliyadda ee dalka ayaa soo saartay dhaqaale gaaraya 8.5 bilyan oo loogu talagalay ilaa 1.1 milyan oo qof oo ah wayeelada iyo dadka dhibaatooyinka u nugul.
Wasiirka wasaaradda shaqaalaha iyo badbaadinta bulshada Mr. Ukur Yatani ayaa hoosta ka xarrriiqay in lacagtan ay tahay midii waayeelada ay qaadan lahayeen bilihii saddexaad, afaraad, shanaad iyo lixaad ee sannadkan.
Dowladda dhexe ayaa wayeel kasta oo ay da’diisu tahay 70 sano iyo wixii ka sarreeya bil waliba u qoondeysay 2000 oo shilin.
Waxay micnaheedu tahay in qof kasta oo ka mid ah dadka isdiiwaangeliyay uu helayo 8000 oo uu qaadan lahaa muddo afar bilood ah.
Barnaamijkan ayaa ka mid ah qorshayaasha dowladda dhexe ay kula tacalayso cunno yarida iyo in la badbaadiyo noolosha dadka dhibaatooyinka sida gaajada u nugul oo ay waayeeladu ka mid yihiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here