Dowladda oo soo saartay amarro lagu xakameynayo faafitaanka cudurka Covid-19

Dowladda dhexe ee dalka gaar ahaan wasaaradda caafimaadka ayaa galabta soo saartay amarro lagu xakameynayo faafitaanka cudurka Covid-19.
1.Waxaa laga billaabo saqda dhexe ee caawa la xiraya goobaha lagu caweeyo, kaniisadaha, masaajidda iyo meel kasta oo ay dadweynaha isugu yimaadaan.
2.Waxaa mamnuuc ah aroosyada, xafladaha dhalasho iyo aaska la isugu tago. Aaska waxaa ka qeyb galaya oo keliya xubnaha qoyska ee ugu dhow qofka dhintay , kama badnaan karaan 15 qof.
3.Lagaba billaabo Arbacada oo ay taariikhdu tahay 25-ka bishan, abaare 12-ka habeenimo waxaa hakad galaya duulimaadyada caalamiga.
4.Sarakiisha ammaanka ayaa laga doonaya inay amarradan si buuxda u dhaqangaliyaan , mas’uukii ka gaabiya si shakhsi ah ayaa loola xisaabtamaya.
5.Maqaayadaha waxay u furnaanayaan oo keliya in laga qaato cuntada aan hoteelka lagu dhex cunin ee loo yaqaano Take-away.
6.Dadka diido in la karantiilo gacanta ayaa lagu dhigaya si maxkamad loo geeyo.
7.Qofkii aan si iskii ah isku karantiilin, si khasab ah ayaa lagu karantiilaya.
Waxaa xusid mudan in tirada ilaa iyo hadda laga xaqiijiyay gudaha wadanka ee la xiriirta coronavirus at tahay 15 kaddib markii maanta sideed dheeraad ah la shaaciyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here