Dowladda oo talooyin iyo amarro ka soo saartay Coronavirus

Afhayeenka madaxtooyada dalka ee State House Mrs.Kanze Dena Mararo ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta uu shir guddoomiyay kulan ku saabsanaa ka hor tagga cudurka COVID-19.
Mr. Uhuru Kenyatta ayaa amar ku bixiyay in si buuxda loo dhaqangeliyo go’aankii shaqaalaha dowladda looga mamnuucay inay dalka dibaddiisa ku tagaan safarro aan muhiimad gaar ah lahayn.
Hoggaamiyaha dalka ayaa ganacsatada iyo dhammaan shacabka ku boorriyay inaynan u ambabixin safarro laga maarmi karo gaar ahaan meelaha halis sare ay ka jirto.
Dhammaan Kenyaanka wadanka ku soo laabanaya iyo muwaadiniinta dalalka kale waxaa la karantiilaya muddo 14 cisho ah sida ay ku talisay hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO.
Sido kale xarumaha waxbarashada ayaa laga doonaya inay nadaafadda ku dadaalaan oo ardayda iyo howlwadeenada ay si joogto ah maalin kasta gacmaha ugu dhaqdaan biyo iyo saabuun.
Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa amar ku bixiyay in la soo saaro istaraatiijiyad ku saabsan daryeelka dadka saboolka ah iyo kuwa dhibaatooyinka u nugul gaar ahaan kuwa ku nool xaafadaha isku raranta ah.
Guddoomiye xaafadeedyada , maamulayaasha deegaanada hoose , mas’uuliyiinta xaafadaha iyo madaxda diimeed ayaa laga doonaya inay wacyigelin sameeyaan sido kalena ay isku dubaridaan ka falcelinta caabuqa hadii kiis la xiriira la soo tabiyo.
Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta ayaa sido kale amray in dib u eegis lagu sameeyo miisaaniyadda dowladda si loo helo lacago loo adeegsan karo ka hor tagga iyo maareynta caabuqa hadii uu dalka soo gaaro si saameyn dhaqaale aynan uga dhalan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here