Dowladda oo tayaynaysa waxbarashada dugsiyada farsamada

????????????????????????????????????

Maamulka talada dalka haya ee Jubilee ayaa sheegay inay ka go’antahay sidii tacliinta laga bixiyo machadyada lagu barto farsamada ay u noqon lahayd mid tayo leh.
Ku xigeenka madaxweynaha dalka Dr. William Ruto ayaa carrabka ku dhuftay in ka dhabeynta qorshahan ay Kenya ka dhigayso mid wadamada kale ee caalamka loolan kula gasho kobaca dhaqaale.
Waxaa uu intaasi ku daray in culuunta la xariirta farsamo gacmeedka ay kaalin weyn ka qaadato horumarka dalka.
Madaxweyne ku xigeenka ayaa sheegay in tirada ardayda ee ku biiraya machadyada farsamada ee TVET ay laba jibbaar noqotay wuxuuna tani u aaneeyay isbeddelo dhowr ah oo la sameeyay.
Tirada ardayda ee culuunta farsamada baranayay sannadkii 2012-kii ayaa ahayd 127,691 halka laba sano ka hor ay gaartay 275,139 .
Dr. Ruto ayaa sheegay in labadii sano ee ugu dambeeyay 130,000 oo arday dheeraad ah ay ku biireen dugsiyada lagu barto farsamada gacanta.
William Ruto ayaa arrimahan ka hadlay xilli uu ka qeyb galay xafladda qalinjabinta 15-aad ee dugsiga farsamada ee magaalada Eldoret , ismaamulka Uasin Gishu.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here