Dowladda oo waddo olole ay ardayda ugu biirayaan dugsiga sare

Dowladda dhexe gaar ahaan wasaaradda waxbarashada ee dalka ayaa ku guda jirto olole ballaaran oo lagu xaqiijinaya in ardaydii sannadkii hore dhameeyay dugsiyada hoose dhexe ay ku biiraan dugsiyada sare ee wadanka.
Wasiirka wasaaradda tacliinta Prof. George Magoha oo dadaalkan hoggaaminaya ayaa ku guulaystay in 10 gabdhood oo dhalasho ahaan ka soo jeedo ismaamulka Kajiado laga soo wado guriyahooda si ay ugu gudbaan marxaladda labaad ee waxbarashada.
Ardaydan ayaa la geeyay dugsiyada sare waxaana ololahan oo lagu bartilmaameedsanaya 150,000 oo arday ah laga fulinayaa guud ahaan dalka.
Prof. Magoha ayaa warbaahinta u sheegay in boqolkiiba 68 ee ardayda Kajiado in sannadkan ay galeen dugsiga sare.
Waxaa uu mar kale saraakiisha wasaaradda waxbarashada ugu baaqay in iyagoo kaashanaya maamullada deegaanadooda ka jira ay xaqiijiyaan inuunan jirin canug KCPE sameeyay oo guriga joogo.
Waalidiinta aan dowladda arrintan kala shaqeyn ayuu dhanka kale wasiirka waxbarashada digniin u diray.

Maalinkii jimcada ee toddobaadkii hore, 24-kii bishan ayay ku ekeyd muddo kordhin hal isbuuc oo kama dambeys ahayd taasoo loo qabtay ardayda aan weli iska xaadirin dugsiyadii u soo baxay si loo qaabilo kaddibna loo diiwaangeliyo.
Qorshaha maamulka talada haya ee Jubilee ayaa ah in ardayda sameeyay imtixaanaadka fasalka sideedaad ee KCPE-da ay boqolkiiba boqol ku biiraan fasalka koobaad ee dugsiga sare.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here