Dowladda oo wado dadaal looga hor tagaya shaqa joojinta dhakhaatiirta

Health care workers stage a protest during the ongoing doctors' strike in Kenya.

Dowladda dhexe ayaa sheegtay inay ku guda jirto wada hadalo ay la yeelanayso howlwadeenada caafimaadka ee dalka si looga hor tago shaqa joojin ay qorsheynayaan inay ku dhaqaaqaan maalinka isniinta ee toddobaadka soo socdo.
Shalay ayay ahayd markii dhakhaatiirta wadanka gaar ahaan kuwa daawooyinka bixiya ay digniin soo saareen.
Guddoomiyaha ururkan Peterson Wachira ayaa dowladda dhexe iyo golaha barasaabsyada ismaamullada ku eedeyay inaynan xoogga saarin daryeelka saraakiisha caafimaad.
Waxay dowladda dhexe ka doonayaan inay mas’uuliyad dheeraad ah iska saarto danaha howlwadeenada safka hore kaga jiro la tacaalidda cudurka covid-19.
Shaqa joojinta ayaa laga cabsi qabaa inay xaaladda dalka uu ku jiro ay ka sii dhigto mid cakiran.
Xoghayaha sare ee wasaaradda caafimaadka u qaabilsan dhanka maamulka Dr. Mercy Mwangangi ayaa hoosta ka xarriiqday inay ku baraarugsan yihiin kaalinta muhiimka ah ee dhakhaatiirta sidaas awgeedna wasaaraddu ay sameyn doonto wax kasta oo suurtagal ah si mudniinta koobaad loo siiyo tabashooyinkooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here