DHAGEYSO:Dowladda oo wax ka beddelayso qaabka loogu gargaaro dadka baahan

Wasiirka wasaaradda dowlad wadaajinta ee dalka Mr. Eugene Wamalwa ayaa guddi gaar ah u xilsaaray inuu dhaqangeliyo qaab cusub oo lagu garab istaagayo kenyaanka ay macluusha haysato.
Qorshaha dowladda ayaa ah in laga faaiidaysto fursadaha dhanka teknolojiyadda ah ee jiro.
Barnaamijkan ayaa ah mid fududeynaya in dadka gargaarka u baahan si toos ah lacago loogu diro taleefoonkooda gacanta si ay ugu iibsadaan cunnada ay markaasi u baahanyihiin.
Wasiirka ayaa dhanka kale sheegay in dowladda ay ku dadaalayso in sare loo qaado wax soo saarka beeraha si loola tacaalo cunno yarida jirta.
In ka badan 50 sano dowladda ayaa cunnooyinka kala duwan baabuur ku qaadi jirtay si dadka dhibaateysan loogu qeybiyo hasa ahaate waxaa hadda socdo qorsho taasi meesha looga saarayo sida uu faahfaahinayo wasiirka dowlad wadaajinta Mr. Wamalwa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here