Dowladda oo weli shacabka ku boorinaysa inay raacaan talooyinka caafimaad

Afhayeenka dowladda dhexe ee dalka Mr. Cyrus Oguna ayaa mar kale kenyaanka ugu baaqay inay u hoggaansamaan amaradda lagu dhawaaqay iyo talooyinka la jeediyay ee lagu xakameynayo faafitaanka cudurka covid-19.
Qoraal uu soo saaray ayuu ku sheegay in indhaindheyn laga sameeyay xaafadda Kawangware ee magaaladatani Nairobi lagu ogaaday in dadka aynan sida habboon u xiran maaskarada.
Sido kale waxaa uu xusay in gacmaha nadiifiyaha loo yaqaaano Hand sanitizer aan badankiisu la isticmaalin.
Mr. Oguna ayaa digniin adag u diray ganacsato uu sheegay inay goobahooda dib u fureen iyagoo aan soo buuxin shuruudaha laga doonaya.
Ilaa iyo hadda gudaha dalka waxaa laga xaqiijiyay kiisaska coronavirus oo gaaraya 435 .
Waxaa cudurka covid-19 ka bogsaday 152 halka dadka u dhintay ay yihiin 22.
Guud ahaan dalka waxaa isbitaallada ku jiro 214 bukaanno oo mid ka mid ah ay xaaladiisa caafimaad liidato.
Galinkii dambe ee shalay ayay wasaaradda caafimaadka shaacisay kiisas cusub oo dhan 24.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here