Dowladda oo xarumo ay ka mid yihiin dugsiyada u adeegsan doonto howlaha karantiilka

Wasiirka caafimaadka ee dalka Mr. Mutahi Kagwe ayaa maanta sheegay in dowladda ay qorsheyneyso sida ay u isticmaali lahayd dugsiyada leh qeybta jiifka iyo goobaha lagu keydiyo diyaaradaha ee garoomada wadanka.
Goobahan ayaa la filayaa in loo adeegsado howlaha karantiilka hadii uu cudurka Covid19 sii faafo.
Waxay tani ku soo aadaysa iyadoo shalay gudaha wadanka laga xaqiijiyay afar kiis oo dheeraad ah oo cudurka la xiriira taasoo ilaa iyo hadda tirada guud ee Kenya laga diiwaan geliyay ay gaartay 42.
Sido kale waxaa goobo gaar ah lagu hayaa ku dhawaad 1,000 qof oo la rumeysan yahay inay la macaamileen shakhsiyaadka uu xanuunka saameeyay.
Mr. Mutahi Kagwe, wasiirka wasaaradda caafimaadka ee dalka ayaa intaa ku daray in guddiga qaran ee gurmadka degdegga ee (NARC) uu kaashanaya ismaamullada iyo shirkadaha sida gaarka ah loo leeyahay si loo ogaado goobaha lagu karantiili karo bukaanada uu haleelay cudurka Covid-19
Dhanka kale Mr. Kagwe ayaa sheegay inay suurtagal tahay inay buuxsamaan isbitaallada sidaas awgeedna ay danta keeni karto in la isticmaalo dugsiyada iyo xarumaha kale.
Ururada diimeed iyo waaxyaha sida gaarka ah loo leeyahay ayuu u soo jeediyay inay qorshahan ka sii fikiraan oo hadii loo baahdo ay Dowladda garab ku siiyaan dhaqan gelintiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here