Dowladda oo xayirtay hantida 9 qof oo maalgeliya Al -Shabaab

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo isku duwidda howlaha qaranka Dr. Fred Matiang’i ayaa shaaca ka qaaday magacyada sagaal qof oo lagu eedeynaya inay taageeraan ama ay maalgeliyaan Al-Shabaab.
Dadkan ayaa lagu sheegay ganacsato iyo mas’uuliyiin saameyn leh oo ka soo jeedo waqooyiga dalka.
Wasiirka ayaa amray in xayiraad la saaro lacagaha iyo hantida eedeysanayaashan oo magacyadooda lagu kala sheegay Xalima Aadan Cali, Waliid Axmed Zein, Sheikh Guyo Gorsa Boru, Maxamad Cabdi Cali oo loo yaqaano (Abu Fidhaa), Nuseiba Maxamad Xaaji ,Cabdimajiit Aadan Xassan, Maxamad Cali Cabdi ,Mukhtaar Ibrahim Cali iyo Mire Cabdullahi Cilmi.
Ma jiraan macluumaad dheeraad oo laga bixiyay shakhsiyaadkan iyo ganacsiyadooda marka laga soo tago in la sheegay inay argagixisada garab siiyaan iyagoo ku sugan gudaha wadanka.
Balse ilo wareedyo ka tirsan laamaha ammaanka ayaa ku tilmaamay kuwo saameyn leh.
Matiang’i ayaa bayaan uu maanta soo saaray ku sheegay in marnaba aan la isku dhiibi doonin argagixisada sido kalena aan lagu dagmi doonin fikirka ay doonayaan inay shacabka ku kala qaybiyaan qabiil iyo diin.
Wasiirka ayaa xusay in sida keliya ee argagixisada looga hor istaagi karo inay halis geliyaan nolosha shacabka ay tahay in la soo bandhigo iskuxir kasta oo howlahooda u fududeeya.
Bishan sagalaad ayay ku beegan tahay sanadguuradii toddobaad ee ka soo wareegatay xilligii la weeraray dhismaha ganacsiga ee Westgate Mall ee Nairobi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here