Dowladda oo xeerar u dejinaysa ganacsiyada yaryar

Ku xigeenka madaxweynaha dalka William Ruto ayaa sheegay in dowladda ay ku howlan tahay dejinta xeerar loogu talagalay in dib loogu habeeyo ganacsiyada yaryar.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in arrintan ay la kaashanayaan saamiileyda ay khuseyso.
Dr. Ruto ayaa hoosta ka xariiqay in dowladda ay mas’uuliyad ka saaran tahay inay xeerar u sameyso wax soo saar kasta oo kaalin ka qaadanaya kobaca dhaqaalaha dalka.
Ganacsiyada yaryar ayuu sheegay inay shaqo abuur badan horseedeen isagoo dhalinyarada ugu baaqay inay muujiyaan xirfaddooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here