Dowladda Rwanda oo la soo wareegaysa Qaxootiga Liibiya

Dowladda Rwanda , hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR iyo midowga Afrika ayaa gaaray heshiis saddex geesood ah oo lagu soo badbaadinayo qaxootiga ku sugan gudaha wadanka Liibiya.
Dhinacyadan ayaa isku afgartay in dowladda Rwanda ay qaabisho dadka magan-galya doonka ah.
Tahriibayaasha la soo badbaadinayo ayaa hadda ku xiran xabsiyo ku yaalla Liibiya.
Waxaa heshiiska qeyb ka ah in la sameeyo hannaan ku meel gaar ah oo toddobaadyada soo socdo lagu soo daadgureynayo 500 qof oo ku jira Xabsiyada Liibiya si loo dajiyo dalka Rwanda.
Hay’adda UNHCR ayaa sheegtay in marka dadkaasi Rwanda la keeno ay sii wadi doonto inay xal u hesho dhibaatooyinka nololeed ee soo foodsaaro.
Waxaa suurtagal ah in qaar ka mid ah tahriibayaasha dib u dejin laga siiyo waddan saddexaad ama in dalkooda hooyo dib loogu celiyo haddii aan laga cabsi qabin badqabkooda.
Heshiiska ayaa dhigaya in midowga Afrika uu gacan ka gaysto caawimaad dhanka daadgureynta , taageerada siyaasadeed , tababaro , iskuduwidda howlahan iyo abaabulka dhanka kheyraadka.
Tan iyo sannadkii 2017-kii, hay’adda UNHCR ayaa in ka badan 4,400 oo qof oo qaxooti ah ka soo saartay gudaha Liibiya.
Hasa ahaate qiyaastii 4,700 oo qof ayaa hadda xaalado adag wajahaya oo ku jiro xabsiyada dalkaasi.
Tarhiibayaashan ayaa u kala dhashay dalalka Somalia, Eritrea iyo Sudan,waxaana ay u badanyihiin dadka nugul sida Carruurta,Haweenka iyo dhallinyarada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here