Dowladda Shiinaha oo 10 milyan ugu deeqday ismaamulka galbeedka Pokot.

Dowladda Shiinaha ayaa bixisay lacag dhan 10 milyan oo shilin si loogu adeegsado in lagu caawiyo qoysaska ay saameeyeen dhul go’a iyo fatahaadaha galbeedka Pokot.
Maalmo ka hor ayay ahayd markii la soo tabiyay in 58 qof ay ku dhinteen dhul go’a ismaamulkaas ka dhacay.
Wasiirka wasaaradda dowlad wadaajinta Mr. Eugene Wamalwa ayaa jeega lacagtan ku wareejiyay barasaabka galbeedka Pokot Prof. John Lonyangapuo.
Mr. Wamalwa ayaa sheegay in dowladda dhexe ay qaadayso tallaabooyin lagu xaqiijinayo sidii barakacayaasha dib u dejin loogu sameyn lahaa ka hor bisha koowaad ee sannadka soo socdo.
Sido kale wasiirka ayaa shaaca ka qaaday in maamulka talada haya ee Jubilee uu 250 milyan oo shilin ku qarash gelinayo in biyo xireen laga dhiso deegaanka waqooyiga Pokot.
Qoysas badan oo dhibaatooyinka ka dhashay roobabka lixaad leh ee da’ay ku barakacay ayaa hadda ku jiro xerooyin ku meel gaar ah oo laga sameeyay tuulooyinka Nyarkulian, Tamkal iyo Parua .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here