Dowladda Shiinaha oo difaacday ajeendaha ay Kenya ka leedahay

Safiirka dowladda Shiinaha u qaabilsan Kenya , Wu Peng ayaa shaaca ka qaaday in xukuumadda Beijing aynan daneeynayn in Kenya ay saarto culeys dheeraad oo dhanka deymaha ah balse ay xoogga saarayso sidii labada dhinac uu uga dhexeyn lahaa iskaashi ballaaran oo mid horumarineed ah.
Mr. Peng ayaa xilli uu ka qeyb galay shir lagu qabtay magaaladatani Nairobi sheegay in dowladda dhexe laga doonayo inay ka faaiido dhammaan saaxiibadeeda dhinaca horumarka gaar ahaan afar qorshayaal ee ugu waweyn ee kala ah helidda adeegyo caafimaad oo dhamaystiran, wax soo saarka, guriyeynta iyo la tacaalidda cunno yarida.
Safiirka ayaa hoosta ka xarriiqay in dowladda uu ka tirsan yahay ay doonayso inay jiraan wadamo badan oo dhanka horumarka ay saaxiibo ku yihiin iyadoo Kenya laga tusaale qaadanayo ama lagu dayanayo.
Arrimahan ayaa imaanaya iyadoo dhawaan qaar ka mid ah siyaasiyiinta dalka ay dowladdu ku dhaliileen inay lacago badan oo deymo ah ka soo qaadatay Shiinaha.
Balse Mr. Wu Peng ayaa carrabka ku adkeeyay in xariirka labada dal ka dhexeya aanan loo baahneyn in lagu soo koobo ama laga eego oo keliya dhanka bixinta iyo qaadashada deymaha .
Maamulka talada haya ee Jubilee ayaa horay u sheegay in lacag kasta oo amaah ah oo uu Shiinaha ama dal kale la qaato lagu qarash gelinayo oo keliya mashaariicda horumarineed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here