Dowladda Somalia oo hakisay bixinta Baasaboorka

Hay’adda socdaalka iyo jinsiyadda ee dowladda Federaalka Soomalaiya ayaa waxaa ay ku dhawaqday in si ku meel gaar ah loo hakiyay bixinta Baasaboorka Soomaaliya.
Arrintan ayaa shaaca looga qaaday qoraal kooban oo la soo dhigay barta rasmiga ee hay’adda ee Facebook-ga.
Qoraalka oo lagu tilmaamay wargelin muhiim ah ayaa u dhigan sidatan;
“Howlo farsamo iyo hormarin ah oo ka socda habka bixinta baasaboorka awgood, waxaa muwaadiniinta Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan lagu wargelinayaa in laga bilaabo Jannaayo 27, 2020 (Maalinta Isniinta) ilaa Febaraayo 2, 2020 (Maalinta Axadda ah) la hakiyay qabashada codsiyada baasaboorka”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here