Dowladda Somalia oo Walaac ka muujisay Xaaladda Beledweyne baaqna dirtay

Wasiirka Wasaaradda waxbarashadda dowladda Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre oo ka mid ah Guddiga Gurmadka Fatahaadaha oo ku sugan Magaalada Beledweyne ayaa aad uga dayriyay Xaaladda ay ku sugan yihiin Shacabka Beledweyne.
Wasiir Goodax waxaa uu sheegay in dhibaato weyn ay soo gaartay Shacabka Beledweyne , islamarkaana ay sanado badan ay qaadan doonto in laga soo kabto dhibaatadda dhacday.
Waxaa uu sheegay in dhammaan adeegyadii kaabayay Nolosha Shacabka Beledweyne ay meesha ka baxeen, islamarkaana ay luntay noloshii Shacabka
Wasiir Goodax ayaa dhammaan Shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in lasii waddo u gurmashada Shacabka Magaalada Beledweyne oo uu sheegay in dhibaato badan ay gaartay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here