Dowladda soomaaliya iyo Beesha Caalamka oo ka wada hadlay Arrimaha doorashooyinka

Dowladda federaalka soomaaliya iyo xubno matalaya beesha caalamka ayaa ka wada hadlay doorashada la filayo inay dalkaas ka dhacdo sannadka 2020-2021-ka
Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare iyo Guddiga Hinddise Sharciyeedka Doorashooshinka Qaranka u xilsaaray Aqalka Sare ayaa kulan Wadajir ah waxa ay la yeesheen safiirada beesha caalamka u fadhiya Soomaaliya ,
Kulanka ayaa intiisa badan waxaa looga hadlay Doorashada 2020-2021 la filayo in ay qabsoonto qaabka ay u dhacayso , Ansixinta Hindise sharciyeedka Doorashooshinka Qaranka oo haatan horyaala Golaha Aqalka sare , in loo baahan yahay dib u heshiisiin si Dadka Soomaaliyeed oo mid ah ay u dareeraan doorasho.
Dhinaca kale Guddiga Hinddise Sharciyeedka Doorashooshinka Qaranka u xilsaaray Golaha Aqalka Sare ayaa kulan la qaatay guddiga doorashooyinka Qaranka ,Goobta kulanka ka dhacayay ayaa qodob qodob loo dul istaagay Hinddise sharciyeedka Doorashooshinka qaranka ,

Kulanka markuu soo gaba gaboobay ayaa Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Qaranka Xaliimo Ismaaciil (Xaliima Yarey) waxa ay sheegtay in Guddiga ay sharaxeen qodobada hinddise sharciyeedka , 2021 loo balansan yahay in dalka ay ka dhacdo doorasho ,
Senatar Maxamed Amiin Sheeq Cusmaan, guddoomiyaha Guddiga Hinddise sharciyeedka Doorashooshinka Qaranka u xilsaaray Golaha Aqalka Sare ayaa sheegay in ay wadaan la tashiyo iyo xog uruurin dhanka hindise sharciyeedka doorashooyinka sannad ka dib lagu wado in ay dalka ka dhacaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here