Dowladda Soomaaliya iyo hay’adda FAO oo arimo muhiim ah kawada hadlay

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maal-gashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan, ayaa Kulan la yeeshay Agaasimaha Xafiiska Soomaaliya ee Hay’adda Cunada iyo Beerahaa Qaramada Midopbay ee FAO.
Kulanka ayaa looga hadlay Dardar galinta Qorshayaasha hay’adda FAO, ee Soomaaliya iyo xoojinta Xariirka dowladda Soomaaliya ay la leeyihiin.
Sidoo kale kulanka ayaa laysku waydaarsadatay xogaha dhinaca hormarinta beeraha iyo Cunada Soomaaliya.
Agaasimaha Hay’adda Beeraha QM ee Soomaaliya, Mr Etienne Peterschmitt ayaa ka mahadceliyay xariirka iyo wada shaqeynta wanaagsan ee Wasaarada Qorsheynta, wuxuuna ballan qaaday inay fulin doonan go’aanada shirka sida wareejinta xogaha ay aruuriyeen, tasoo xoojinayso wada shaqeynta labada dhinac.
Wasiirka wasaaradda Qosheynta Maal gashiga iyo Horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan , ayaa sheegay in kullankaan muhiimad weyn xabaarsanaa,dowladda Soomaaliyana ay kula wareegayso xogta dalka ay ka aruurisay dhinacyada ay ka shaqeynso taasoo muujinayso Awooda hay’adda Istaatiijida Qaranka.
Wasaaradda Qorsheynta Qaranka ayaa wado daddaalo lagu xoojinayo Hay’adda Istaatiskada Qaranka oo ah howsha loo igmaday Wasaarada aruurinta, keydinta iyo baahinta xoggaha wadanka ee ay wasaaraddu doonayso inay kala wareegto hay’adaha xoggaha ka haayo dhinacyada ay Soomaaliya ka taageeran.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here