Dowladda Soomaaliya iyo QM oo Wadajir ugu baaqay badbaadinta Samafaleyaasha.

War-Saxaadadeed ay si wadajir ah u soo saareen dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Jimciyada Qaruumaha ka dhexaysa ayaa waxaay ku baaqeen in laga qeyb qaato badqabka Shaqaaaha gargaarka ee ka howlgalla Soomaaliya, xilli Maanta ay ku beegan tahay Maalinka Caalamiga ee Samafalka.
War-Saxaafadeedka waxaa lagu sheegay in sanadkaan Maalinta Caalamiga ah ee Samafalka ay kusoo aadaya waqti adag oo ay jiraan sadex halisood oo kala ah, ah (Covisd19, fatahaado iyo ayaxa Kuwaasoo aduunyada Saamayn weyn ku haya.
War-saxaafadeedkaan ayaa lagu yiri Maalinta Caalamiga ah ee Samafalka awgeed, Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay waxay ku baaqayaan in laga qayb qaato bedqabka shaqaalaha gargaarka ee ku howlan badbaadinta dadka Soomaaliyeed ee tabaaleysan xiliyadaan adag.
Bahda gargaarku waxay qiyaasayaan in 5.2 milyan oo qof ay u baahanyihiin kaalmo bini’aadamnimo sannadkan 2020, weliba xaalku wuxuu hadda u muuqdaa inuu ka sii daraayo sida warkaan lagu sheegay.
Ilaa 3.5 milyan oo Soomaali ah ayaa la qiyaasayaa ineysan heli doonin cunto ay ku noolaadaan bisha Sebteembar ee Sanadkaan,Si looga gudbo faqriga ay keeneen mashaqooyinka bini’aadamnimo,waxaa lagama maarmaan ah in la helo xal waara ayaa lagu sii daray.
Waxayna isla Qireen in Jawiga ay ku shaqeeyaan shaqaalaha gargaargka uu yahay mid adag sababo la xiriira amni darrada jirta iyo kaabayaasha waddanka oo liita, tan oo caqabad ku noqotay in gargaarku si sahlan u gaaro dadka u baahan.
Ayagoo Xusay in Caqabadaha ku hor-gudban gargaarka ay aad u sara kaceen sannadkan 2020, ilaa 114 dhacdo oo ka dhan ah howlaha gargaark bini’aadamnimo ayaa la diiwaan geliyay intii u dhaxeysay bilowga sannadka iyo dhammaadkii bisha Luulyo, marka la barbardhigo 151 dhacdo oo la diiwaan geliyay sannadkii 2019, Shaqaale gargaar oo gaaraya 11 ayaa la dilay, 11 wa dhaawacmeen, 23 na waa la afduubtay, shaqaalaha la dilay waxaa ka mid ah toddobo hal meel lugu wada dilay waxyaabahaas dhamaan waxaa lagu sheegay war-Murtiyeedka wada Jirka ah ee ay soo saareen dowlada Soomaaliya iyo Qm.
Wasiirka wasaarada Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka Dowladda Federaalka Soomaaliya Wuxuu bogaadiyo dadaalka aan kala go’a lahayn ee samafalayaasha Soomaaliyeed ee ka shaqeeya arrimaha gargaarka,gaar ahaan shaqaalaha gargaarka Soomaaliyeed oo lafdhabar u ah howlaha gargaarka ee laga fulinayo dalka Soomaaliya.
Laga soo bilaabo bishii Maarso, Soomaaliya waxay diiwaan gelisay in ka badan 3,200 Xaaladoo oo CoronaVirus ah halka 93 qofna ay xanuunka u dhinteen,Fatahaado ayaa saameeyay dad gaaraya 200,000 oo qof oo ku kala nool dowlad goboleedyada Hirshabelle, Koofur Galbeed, Jubaland iyo Gobolka Banaadir laga soo bilaabo dabayaaqadii bishii Juun ee sannadkan; waxaana ku barakacay 124,000 oo qof halka ay fatahaaduhu burburiyeen dhul beereed ballaaran. Intaas waxaa dheer, ayax ku habsaday kumanaan hektar oo isugu jira dhul beereed iyo dhul daaqsineed gobolo badan oo dalka Soomaliya ka mid ah.
Dabeylo roobab wata ayaa sidoo kale ku dhuftay xeebaha gobolada Jubada Hoose iyo Shabeellaha Hoose ayagoo saameeyay dhaqdhaqaaqyadii kalluumeysiga; kalluumeysato Soomaaliyeed ayaan la heyn nolol iyo geeri halka kuwo kalena ay ku dhinteen hantidooduna ku burburtay.
Khatarta saddex-xagalka ah waxay uga sii dartay xaaladihii nugeylka ahaa ee dadka Soomaaliyeed ku jireen waxayna wax u dhibeen guulihii dhaqan-dhaqaale ee laga gaaray dhanka beeraha iyo ganacsiga, si gaar ah waxay khatartani u saameysay hab nololeedka dadka saboolka ah; waxayna culeys dheeri ah saartay qaybaha caafimaadka ee bulshada Soomaaliyeed.
Sida warbixintaan lagu sheega 19kii Bishii Juun xiriiriyaa Gargaarka Degdegga ah ee QM Mr. Mark Lowcock ayaa ogolaaday US$15 milyanoo Dollar oo wax looga qabanayo saameynta CoronaViruas, ayaxa iyo fatahaadaha,Intaas waxaa dheer 279 hay’ado samafal oo howlo gargaar ka fulinaaya Soomaaliya, taasoo sara u qaaday howlaha gurmadka si loola tacaalo baahiyaha soo kordhay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here