Dowladda Soomaaliya oo beenisay inay Ciidan u dirayso Libya

Kadib markii Baryahaan la isla dhexmarayay warar sheegaya in Soomaaliya ay ciidamo u direyso dalka Libya si ay u caawiyaan kuwa Turkiga ee qeybta ka ah dagaalka ka socda dalkaas ee lagula jiro janareel Khaliifa Haftar ayaa waxaa arintaasi beenisay dowlada Soomaaliya.
Dowlada federaalka Soomaaliya ayaa beenisay warka ku saabsan in Ciidamo Soomaali ah ay dowladda Turkiga u adeegsan doonto dagaalka ay ka wado Gudaha dalka libya,kaasoo ay qoreen qaar kamid ah Warabahinta Caalamka.
Wasiirka wasaarada Arrimaha dibadda ee Soomaaliya, Amb Axmed Ciisa Cawad ayaa beeniyay in arrintaas ay jirto.
Wuxuu intaa ku daray in Wararka meelaha lagu qorayo ay yihiin kuwo dacaayad ah oo aan waxba ka jirin,waxaana sidoo kale uu sheegay in aysan jirin wada-hadal la xiriira in Ciidamo Soomaali ah loo diro dalka libya oo dhex-maray Soomaaliya iyo Turkiga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here