Dowladda Soomaaliya oo bilaawday dhaqan-gelinta Xeer ay ansixiyeen labada Aqal

Sii-hayaha Wasiirka ganacsiga iyo warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Injineer Cabdullaahi Cali Xasan ayaa maanta magaalada Muqdisho ka daah furay shir looga tashanayo dhaqan gelinta xeer nidaamiyaha sharciga ganacsiga shirkadaha dalka oo la ansaxiyay sannadkii 2019.
Shirka ayaa waxaa goobjoog ka ah maamul goboleedyada, qeybaha ganacsatada iyo sharci yaqaano, waxaana lagu falanqeyn doonaa qaabkii loo dhaqan geli lahaa sharcigaan.
Xeer nidaamiyaha sharciga ganacsiga shirkadaha ayaa hadii uu dhaqan galo waxa uu meesha ka saarayaa in Shirkadaha qaarkood ay dalka soo geliyaan wixii ay doonaan sida waxyaabo dhacay oo dadka Soomaaliyeed dhibaato u keeni kara.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here