SAWIRO:Dowladda Soomaaliya oo Ciidamo gaysay deegaano lagu dagaalamay

Wararka ka imaanaya gobolka Mudug ee Bartamaha Dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in Ciidamada Kumaandooska Danab ee xoogga dalka qeybta 21-aad ay gaareen Deegaanka Shabeelow ee Gobolka Mudug halkaasoo dhawaan dadka deegaanku kula dagaalameen Xubno ka tirsan Al-Shabaab.
Ciidamada ayaa ka amba baxay Deegaanka Dhagaxleey oo Qiyaastii 20 KM u Jirra Magaalada Shabeelow, waxaana la sheegay in Al-Shabaab ay degaanka Shabeelow isaga baxeen.
Wararka ayaa waxay intaa ku darayaan in Ciidamada Dowladda & dadka degaanka ee la dagaalamay Al-Shabaab ay deegaanka Shabeelow ka wadaan howlgallo kala duwan oo amniga lagu xaqiijinayo.
Saraakiil Ciidan oo Xoogga Dalka ka tirsna ayaa waxay warbaahinta u sheegeen inay howlgalka sii wadi doonaan ilaa degaannada Maamulka Galmudug ay ka saaraan Ururka Al-Shabaab.
Bilihii la soo dhaafay ayaa waxaa deegaanka Shabeelow ee Gobolka Mudug, ku dagaalamay Al-shabaab iyo dadka deegaanka kadib markii Shabaabku ay degaankaasi weerar ku soo qaadeen,waxaana dagaaladasi ka dhashay khasaare kala duwan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here