Dowladda Soomaaliya oo faahfaahin ka bixisay duqaymo ka dhacay Jubada Hoose

Ciidaanka Kumaandooska Soomaaliya oo kaashanaysa Ciidamada Africom ee Mareykanka ayaa lagu soo waramayaa inay howlgal ay ka sameeyeen gobolka Jubada Hoose ay ku dileen Xubno ka tirsan Al-shabaab.
Howlgalkaan oo ahaa duqeyn dhanka cirka ah ayaa lala beegsaday nawaaxiga magaalada Kuunyo Barrow, saraakiil ka tirsan Ciidanka dowladda Soomaaliyana waxay sheegeen in lagu dilay laba Xubnood oo Al-Shabaab ah.
War-Saxaafadeed kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in howlgalkaas uu qeyb ka yahay qorshaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Midowga Afrika iyo isbahaysiga caalamiga ee sii wadidda dagaalka ka dhanka Al-Shabaab.
Warka ka soo baxay dowlada Soomaaliya ayaa lagu yiri Dowladda Federaalka iyo bahwadaageeda Mareynkanka ayaa si aad uga taxadara ilaalinta waxyeello soo gaarta dadka rayidka ah inta lagu gudajiro duqeymaha habeysan,Hubintii la sammeeyey ayaa lagu ogaaday in duqeynta imanka dhacday aysan jirin cid shacab ah oo ku dhimatay ama ku ku dhaawacantay.
Mareykanka oo kaashanaya Ciidamada Soomaaliya ayaa horay dhowr jeer waxaay duqeymo dhinaca cirka ah ka fuliyeen deegaano ka tirsan Koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya,waxaana duqeymaha qaarkood ku waxyeelooba dad rayid ah.

Gudoomiyaha degmada Awdiinle ee gobolka Baay ayaa faahfaahin ka bixinaya deegaanada ay Ciidamadu maanta la wareegeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here