Dowladda Soomaaliya oo Hakisay Dhammaan Duulimaadyadii Kismaayo

War qoraal ah oo ka soo baxay Hay’adda Duulista Hawada dowladda Soomaaliya ayaa waxaa lagu hakiyay duulimaadyadii tooska ahaa ee magaalada Kismaayo ee maamulka Jubbaland.
Hay’adda Duulista Hawada dowladda Soomaaliya ayaa dhammaan shirkadaha diyaaradaha ku amartay in muddo saddex maalmood ah la hakiyay duulimaadyadii halkaasi ay ku tagi jireen .
Waxaa qoraalka ku xusan in safarradda dhanka hawada ee Kismaayo dib loo fasaxyo markii waqtigaas la qabtay uu dhammaado.
Sidoo kale muddada la hakiyay dhammaan duulimaadyadii Kismaayo ayaa ka bilaabaneysa maanta oo ay taariikhdu ku beegan tahay 23-ka bisha September 2019-ka waxaana ay ku egtahay 26-ka bishaan,waxaana mudadaas la shaaciyay in wax duulimaadka ka degi karin Kismaayo.
Amarkan ayaa ku soo aadaya kaddib markii shalay hay’adda duulista Rayidka Soomaaliyeed ee SCAA ay soo saartay amar ah in Shirkad kasta oo u duuleysa Kismaayo inay soo weydiisato Xafiiska Hey’adda fasax duulimaad 24 saac ka hor.
26-ka bishaan ayaa lagu wadaa in caleema saarka madaxweynaha dhawaan la doortay ee Jubbaland Axmad Maxamad Islaam Axmad Madoobe uu ka dhaco magaalada Kismaayo waxaana soo baxaya warar sheegaya inay suurtagal tahay in howshaasi uu dib u dhac ku yimaado in kastoo aan weli si madax bannaan loo xaqiijin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here